Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos9561
Banadir-city.com7191
Banadir24.com6107
Bclub19.com7436
Dayniile.com7586
Hamarey.com9880
Jowhar.com6976
Laasqoray.org1450
Markacadey.net10722
Somali Music9503
Somali411.com7528
Somalifans.net6710
Somvid.com6634
Webld.net4626
Users Online
Guests Online: 23

Members Online: 0

Total Members: 770
Newest Member: Sharmarke






Nolosha dhalinyarada .. fadlan ha guursan mid ka mid ah ragga tilmaamahan leh.
Jaceylku keligii wax ma dhameystiro , mana awoodo inuu baabi’iyo ama dawo uu u helo waxa ay rag badani la xanuunsan yihiin , taasoo khubarada guur-ka ay ku sheegaan xiriir lala sameeyo inay halisteeda leedahay, waxaana halbaha kula dardaarmayaa inay xushaan ninka ay dooqayaan inay guursadaan ka hor xafladda aqal-galka , waxaana kuu wanaagsan inaad iska ilaalisid oo aanad u dhowaan nin leh tilmaamahan aan hoos ku sheegi doono.



1)Taariku salaad:- waayo salaadii shanta farad aheyd ee ku waajibtay ayuu ka tagay , wuxuuna khayaanay ammaanadii uu allah u dhiibtay , taasi miyey haboon tahay ? waa ( maya ) jawaabtu .

2)Daroogiiste: waa nin si aad ah u caba khamriga, aad-na uga hela la tumashada dumarka ( zino) iyo cayaaridda khamaar-ka, arrimahaasi waa waxyaabaha lagu naar-galo hadii aanu ka toobad-keenin , allah naga najeeyo oo naga koriyo wixii ciribteena xumeynaya.

3)Dayuus: waa nin wax waliba oo dhaqanka islaamka ka hor-imaanaya u arka horumar dunida ay gaartay , wuxuuna hablaha la qabo iyo kuwa aan la qabin uu ku booriyaa inay xijaabka iska dhigaan, qurux-doodana ay banaanka soo dhigaan oo ay muujiyaan, wuxuuna jecel-yahay oo uu ilbaxnimo u arkaa inuu bariidiyo xaasas-ka haweenka ah ee la qabo, ama wuu la qoslaa oo uu bogooda ku seexdaa sida xaaskii oo kale , gabdhaha kalena sidaa ayuu ku tababaraa .

4)Nin caruureed: ninkani wuxuu in muddo ah la noolyahay hooyadiisa , cuntada waa loo diyaariyaa , waxaa loo nadiifiyaa dharka , waxay u hagaajisaa wuxuu jecel yahay , waxaa lagu soo koriyay mayac iyo kibir , waxay hooyadu xal u raadisaa mushkiladda iyo qas-ka uu abuuro wiilkeeda , marka uu xaas damco inuu yeesho hooyada ayaa u raadisa mid sida hooyo oo kale u xanaaneysa , hase yeeshee hadii loo waayo , oo uu isaga raad raadsado , lana yimaado gabar , marka la isku guuriyo ayaa looga baqaa in dareen is naceyb ah iyo dagaal gacmaha la iskula tago inuu sababo guurkaasi.
Ninkani oo kale malhan wax go’aan ah , talo kasta oo xaaskiisa kaga timaada wuxuu latashi ula aadaa hooyadiisa , tiiyoo ay carqalad abuuri karto.

5) Caasi waalideen: ninkani ku caasiyay hooyadii iyo aabihii wada dhalay ee soo wada barbaariyay ,dayac iyo xumaanna kula dhaqaaqay abaal marintii iyo koriinadii ay ka sugayeen sida isagaba ay horey u soo koriyeen ayuu kala hortagay waalidiintiisa waxyaabo aan ku wanaagsaneen dhaqanka islaamka iyo midka soomaalida,hadaba ninkani oo kale guur uma qalma ee waa nin maskax ahaan u jiran oo kula dhaqmi kara xaaskiisa wax ka baxsan naxariista iyo ani’aadanimada , una geysan kara dhib nafsaani iyo mid jismiyadeed intaba.

6)Nin maseyr kulul: maseyrkiisu waa wax caadi ma ahan , mana ahan wax ku tusinaya Jaceyl sida uu isagu sheeganayo, waayo kalsoonida uu naftiisa ku qabo iyo dadka kale ayaa aad u yar, wuxuuna had iyo jeer wax ka raadiyaa dhanka xun ee dhaqanka xaaskiisa si uu ugu cadeeyo eedeynta uu u jeedinayo ee ku daahsoon halkudhigan “ ammaan ma jiro waqtigan khayaanada badan” halkudhigan ayaa ah midka ka careysiiya ragga oo shaki geliya in xaasaskooda ay sameeyaan galmood sharci darro ah oo zinno ah marka ay guriga ka maqan yihiin , xitaa ninka wuxuu falkani ku tuhmaa nin ku dhow isga oo ay qaraabo yihiin iskaba daaye deris iyo dad kale , wuxuu xaaska u diidaa inay yeelato Teleefoon ,Email iyo nooc kasta oo asxaabteeda iyo qoyskeeda ay kula xiriiri karto , wuxuuna jecel-yahay in kolka ay qof teleefoon kula xiriireyso inuu isaga uu agjoogo.
Maseyrka noocan ah waa cudur u baahan dawo , waayo ninku wuxuu u dhaqmayaa si mayal adag oo diktaatoorinimo ah , waxaa wanaag badan in ninka iyo naagta isqaba inay isfahmaan , ayna noqdaan laba iska amar qaadata oo is maqal iyo adeecid isku xushmeeya , waa inaan la isku dhibin amarada culus .

7) Nin murugeysan :- waa nin waji macbuus ah,oo murug ay had iyo jeer ka muuqato oo aan laheyn wax calaamad farxad ah, waxaana dadka intooda badan uu u arkaa cadow , hadaba hadii aad xiriir la leedahay nin ceynkaasi ah waa inaad dib u dhigtaa guursigiisa ilaa iyo inta uu ka caafimaadayo , hadii aad xaas u tahay-na waxaad geysaa goobaha caafimaad-ka si loo daweeyo .

8) Nin torobo dooniiste ( naag raadis badan ): ninkani wuxuu dabeecad ka dhigtay inaanu fariisan oo salka dhulka dhigin , wuxuu doonayaa inuu haweenka iskaga badalo sidii shaar-ka oo kale , wuxuu ku beeraa jaceyl si uu maqaalinta u soo geshto , kadib-na miciyaha kula qabto , waxaana taa loo arkaa nooc ka mid ah raganimada, noloshiisa maalinlaha ah ayuu ka dhigtay in midba maalin uu la joogo , waxaana ninkaasi aad ku garan kartaa mudada aad shukaansiga iyo haasaawaha iskula jirtiin .

ninkani ayaa kula noolaanaya oo aad xaas u noqonayaa muddo maalmo ah , ama todobaadyo ama bilo kooban , kadib-na waxaad ku laabaneysaa gurigii lagaa soo guursaday adigoo wata magaca ah ( garoob) .

W/diyaariyay : Ali Abdi Ali “Suheifa”
asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia


Redwan on January 06 2009 14:57:40 · 0 Comments · 4350 Reads · Print
Comments
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Qiso Layaab Leh oo dhex mar...
General Discussions
49 0 Nana
10-03-2010 11:45
Girl Makes Herself a Birthd...
Women's issue
305 0 Nana
28-02-2010 18:46
Sclub19.com - Somali Music
Music
12462 6 Afaaro
20-02-2010 09:37
La dabaalo caashaqa
Lyrics
648 0 Afaaro
20-02-2010 09:35
Ladan- Lafoole
Lyrics
449 0 Afaaro
20-02-2010 09:33
Libta - Lafoole
Lyrics
355 0 Afaaro
20-02-2010 09:30
Liibaan- Lafoole
Lyrics
334 0 Afaaro
20-02-2010 09:27
Ma is aroosnaa - Fuad Cumar
Lyrics
2103 0 Nana
27-01-2010 07:48
Mudantii Haweenkaay - Maxam...
Lyrics
1870 0 Nana
27-01-2010 07:45
Naftan- Shamsa Cumar
Lyrics
1082 0 Nana
27-01-2010 07:30
Naruuradee jacaylke- Lafoole
Lyrics
1284 0 Nana
27-01-2010 07:29
Onkod- Cabdi Tahliil
Lyrics
1052 0 Nana
27-01-2010 07:29
Qamar - Cabdi Nasir Macalin
Lyrics
1450 0 Nana
27-01-2010 07:28
Qamar- Beerdilaacshe & Magool
Lyrics
1058 0 Nana
27-01-2010 07:27
Qareenlaay- Lafoole
Lyrics
904 0 Nana
27-01-2010 07:26
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats