Haweeney 106 jir guursatay 37 jir oo Caruur rajeyneysa.
Wali waxaa si weyn loo hadal hayaa sheekada wiil dhalinyaro reer Indonesia ah kaasi oo mudo hadda laga joogo 3 sanadood guursaday islaan waayeel ah oo da'deedu ay hadda tahay 106 jir,taasi oo ay ku kulmeen guri ay laheyd islaantaasi kadibna ay is caashaqeen.
Iyadoo hadda ay mudadaasi nool yihiin ayaa la sheegayaa in haweeneydaasi oo lagu magacaabo Wouk Kondir ay rajeyneyso Ilaah in uu awlaad ka siiyo jaceylkeeda 37 jirka ah ee lagu magacaabo Nuur Muuse.

Jaceyl baaxad leh ayay iskula nool yihiin labadaasi lamaane oo marka la eego muuqaalkooda farqi aad u dheer oo xagga da'da ah u dhexeeyo laakin marka arrinkaasi la iska indha tiro waa nin iyo naagtiisa iyo far faraantigiisa waa aroos iyo aroosaddiisa.
Islaanta waayeelka ah ee lagu magacaabo Kondir waxay dhibaato iyo ishaacaad kala joogi weysay dadka deegaanka ah markii la maqlay in ay guursatay wiilkaasi dhalinyarada ah oo isagu kiro ahaan u deganaa guri weyn oo ay laheyd haweeneydaasi balse markii danbe jaceyl dhexdooda uu ka dhashay.
Warbaahinta ayaa dib xusuusta arooskaasi iyo aroosaddaasi la yaabka leh dib ugu soo celisay fagaaraha arrimaha bulshada kadib marki ay todobaadyadii u danbeeyay warar sheegayay haweeney reer Chine ah oo iyana 107 jir ah hadane baadi goob ugu jirta qof la wadaaga nolosha oo ay guur la gasho.

Seyga Kondir oo isagu si geesnimo leh hadda u qab wali 107 jirtaasi ayaa dhanbaal u diray haweeneyda Shiineeska ah taasi oo warbaahinta uu ugu gudbiyay isagoo leh in uu rajo weyn u qabo in ay heli doonto maalin uun islaantaasi mid la wadaaga nolosha farxadda leh ee ku dhexqarsan guurka dad da'da weyn sida isaguba uu ku dhaqaaqay.
Ma jirto cid caddeyn karta waayeeladaasi guurdoonka ah haddii ay rabitaankii Allaah ku abuuray haweenka marka ay dhalinyar yihiin sidaasi oo kale u leeyihiin balse su'aasha waxay ka taagan tahay dhalinyarada iyana da' yarta ah ee ku maqsuudsan guurka doqowda,malaha hablihii da'da yaraa ayaa soo muuqan waayay.
Markacadey.net
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|