Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos14701
Banadir-city.com11813
Banadir24.com10868
Bclub19.com12032
Dayniile.com14596
Hamarey.com16935
Jowhar.com14053
Laasqoray.org7768
Markacadey.net16840
Somali Music14545
Somali411.com14076
Somalifans.net14466
Somalinote.com616
Somvid.com13303
Webld.net10722
Users Online
Guests Online: 15

Members Online: 0

Total Members: 909
Newest Member: Abubakar10






Safarkii Jaceylka iyo Geeridii Ka Danbeeysey...
Sacdiyo waxeey eheed gabar kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada calanleey

Waxeey eheed gabar qurux badan jecelna wax barashada aadna u fur furan.

Walaalkeed oo joogay Sweden ayaa soowacay waalidkii una sheegay Sacdiyo ineey imaato Nairobi si uu uga kaxeeyo. Hassan oo ahaa Sacdiyo aabeheed ayaa u sheegay sacdiyo ineey dhowaan u anba bixi doonto dalka kenya kadibna kasii aadi doonto Sweden. Sacdiyo ayaa timi boosteejada laga soo anba baxo ee kutaala wadada Somali Star ee xaafada Calanleey. Sacdiyo ayaa sidan ku biloowday shekadeedi.

1/8/2008 waxeey eheed maalinta aan kasoo anba baxaayay magaalada kismaayo anigoo usoo kici tamaayay magaalada Nairobi.waxeey eheed markii iigu horeeysay ee aan dalkeeyga Hooyo dibada uga baxaayo waxaana dareemayay culeeys kasoo ahaa inaan katagaayo qoyskeeyga iyo asxaabteeyda. Waxaan nimi boosteejada Hoyadeey Sahro ayaa aad iigu ooysay, ilinta kasocotay Hooyadeey sahro waxeey eheed mid aan la’ooyay.eyadoo ii raacisay “Hooyo illaah hakunabad geeyo Meel dadka dhaxdooda ahna seexo”.Goor eey tathay 5 galabnimo ayaan kasoo anba baxnay magaalada Kismaayo.

Waxaan gaariga dhaxdiis isku baranay Libaan oo ahaa wiil isagana usoo socday magaalada Nairobi. Libaan aniga oo kale muusan eheen horey ayuu u tagay Magaalada Nairobi. Libaan wuxuu noqday wiilka kaliyah ee aan gaariga iska dhax fahanay. Maalin ayaa gaari nooga jabay tuulada Qooqaani. Intaan safarka kusoo jirnay naxariisyo badan ayaan ka dareemay Libaan taas oo xagiisa inta badan isii jiidan jirtay. Habeen iyo maalin gaariga nooga haleeysnaa qoqaani aniga iyo libaan sidii qof iyo hooskiisa ayaan isku daba soconay anigoo inta bada kawareeysan jiray Xaladaha Nairobi.

Rakaabka aad ayeey u daalanaayeen dhaqso ayeey seexdeen balse aniga iyo Libaan sheeko ayaan ku gaarnay 4 habeenimo. Intaan safarka soo eheen anig iyo Libaan iskumeel ayaan wax kuwada cuneeynay iskumeel ayaan gaariga kawada fadhiisaneynay taas eyadoo jirto wali Libaan xad gudub iguma uusan dayin. Kadib waxaan nimi dhobleey isla galabkiina kasoo anba baxnay. Waxaan nimi xerada qoxootiga ee xagardheer waxaana joognay maalin Libaan ayaa ina geeyay xaafad uu lahaa adeerkiisa.

Subaxdii danbe 8:30 AM ayaan kasoo baxnay xagardheer anagoo Nimi Nairobi 6:15 PM.

Aniga maanan kala garaneeyn waxaan wacay Numberka abtigeey waxaana u sheegay inaan nabad imi Nairobi uuna iigu imaado boosteejada gaariga. Libaan ayaa igu yiri

“ Sacdiyo barashadeena, safarka miyeey ku koobneed”

“Aboowe maya, barashadeena marabo ineey halkan ku ekaato numberka Abtigeey qoro waad iga heli kartaa”

Habeenki daal ba’an ayaa I haayay waan iska seexday wixii kadanbeeyay waxaan had iyo jeer niyada kuhayay Libaan anigoo iska xasuusan jiray hadaladiisa iyo quruxduu eebe siiyay. sadax maalin kadib goor habeen ah waxuu libaan soo wacay numberkii Abti si uu iila hadlo. Habeenki waxaan ka codsaday inuu ii yimaado waliba si dhaqso ah. libaan igama uusan diidin wuxuuna iigu jawaabay “Birito ayaan kuu imaanayaa waxaana isoo wadaayo wiil walaalkeey ah” Niyada ayaa iidagtay madaama aan maqlay Libaan codsiika iyo xaalada uu kusugan yahay. Wixii intaa kadanbeeyay wuxuu qalbigeeyga ii sheegay inaan Libaan jeclahay. Libaan iyo wiil lasocday ayaa ii yimadeen maalintii danbe anigoo mar mar dareemayay inaan aamusay oo aan libaan kumaqanahay sida uu u shekeeynaayay iyo bulsho nimada kamuuqatay. Waxaan ka qortay numberkiisa banaanka gurigana uga soo haray. Waxaan abtigeey ka codsaday telephoneka wuuna iga aqbaly.

Habeenki 8 fiidnimo ayaan wacay “Aboowe haye xaaladaada kawaran”

“Abaayo fiican, adiga side tahay”

Markaan is wareeysanay kadib ayaan Libaan kacodsaday inuu marlabaad ii yimaado madama uu isaga xafadeeyda yaqaano anigoo u raaciyay “ Libaan maalintaas oo dhan anaad ila jogeeysaa”

Maalintaas gabar habaryarteey dhashay ayaan kacodsaday ineey eyadana ii timaado waxaana rabay ineey wiilka libaan la imaan doono iga mashquuliso intaan libaan la sheekeeysanaayo. Malin qamiis ah goor eey tahay 2:00 PM ayaa waxaa isoo wacay Libaan iina sheegay inuu xaafada usoo dhoowyahay. waxaan usoo dhoweeyay ninkeeyga inuu yahay camal anigoo u diyaariyay qado iyo guri shekada ku qurxoon. Markuu yimi ayaan Qado u geeyay isaga iyo wiilki lasocday. Markeey qadadeyeena nasteena ayaan Hawo u sheegay ineey wiilka usii shekeeyso libaan ayaan u bilaabay sheekada aan kalahaa, anigoo uga bilaabay “ Libaan habeenadan fakarkeeygu wuu batay”

“ Maxaa dhacay jaceyl miyaa gu galay abaayo ?”

Libaan marnaba muusan iska dhaadhicin inaan aniga Damac iga soo galaayo oo wuxuu aad u tixgalinaayay barashadeena ku xusneed walaalnimo kaliyah. “ Aboowe wadankan aan ku cusbahay waan ku cidlooday, taas eyadoo jirto ayaa arin kale isii heysataa”

“waa maxay arinta kale ee kuheysto abaayo?”

“Aboowe, wanaagaaga shekadaada kaftankaaga ayaa ijiitay inta badana adaan kaa fakaraa”

Libaan wuu naxay,murugana wajigiisa soo fuushay kuna yiri abaayo aniga marabou inaan ku qiyaano meshan arimo cafimaad ayaan u imi weeyna igu adagtahay taas

“taas wax weeyn maahan aboowe”

“Abaayo Sacdiyo runtii waad istaahisha nolol iyo jaceyl in lagula qeeybsado balse ifahan”

Waxaan kala kulmay libaan niyad jab aad u weyn waxaana ka codsaday

“Aboowe madama aan arintan kusoo bandhigay adna aad igu gacan seertay ha gooynin xiriirkeeni saxiibtinimo” “ Abaayo taas madhici doonto, waxaana kuu ahaanayaa sidaan horey kuugu ahaa”

Waxaan ii biloobatay nolol adag Fakar iyo soo jeed ah, waxaan had iyo jeer kafakari jiray Libaan cuntadii waan waanba ilaaway, jiifna waxeeyba ila eheed hadaan jiifsado inaan libaan heli doonin. Qolka ayaa waxaa iigu imaaday abtigeey iyo xaskiisa iguna dhaheen waxaa mardhoow imaanaya walaalkaa balse waxaas iima cadeeyn oo Libaan oo kaliyah ayaa ii muuqday. Libaan wuxuu iigu imaan jiray maalin dhaaf isagoo ii shekeyn jiray igana qosli siin jiray, xiliga uu ila joogo fakar ama murug intaba maanan dareemi jirin.

Maalinti maalmaha kamid ah ayuu Libaan ii yimi Waxaan u sheegay inaan dartiirs qabri u dhowahay. Libaan oo eey ka muuqato murugo ayaa iigu jawaabay “Abaayo manta Diktoorka ayaan u tagay wuxuuna igu yiri waxaad qabtaa Cancer-ka beerka kudhaca”

Wuxuuna ii sheegay Libaan cudurka haayay taas oo naxdin ba’an igu sii kordhisay

Libaan oo aan uga bartay farxad ayaa maalintaas ka arkay indhihiiisa Ilin(Oohin) ka daadaneeyso, anigoo waan iscelin waayay waan sasabay una sheegay aduunkan in lagu wareeynin uuna iska samro Illaahna baryo. Waxaan dareemay inaan kasii daray sababtoo ah xanuunka hayay gacaliyaheyga libaan wuxuu ahaa mid aan maranaba kuu niyad dhiseyn. Waxaan ka codsaday Libaan inuu gurigooda isoo baro si aan had iyo jeer uga war haayo. Waxaan u bandhigay Libaan inuu iguursado aana haduu illaah iga siinaayana aan ubad u dhalo. “ Libaan aboowe waxaan go’aansaday inaan isguursano sideed u araktaa”

“Abaayo miyaad waalatay, waad araktaa xanuunka Ihaayo adigana guur iyo waxaan lojoogin ayaad igu soo hadalqadeeysaa”

“Libaan waa iga dhab waxaan rabaa inaan Ciyaal aad adiga leeydahay dhalo, taasi waa ii farxad Waalidkaana waa u farxad ”

“Abaayo adigana naftaada miyaad nacday,maxaad kawadaa waxyaabahan dhan aad sameyneysid”

“Aboowe jaceylka aan kuu qabo ayaa wax walbo kaween”

Waxaan indhaha Libaan ilbiriqsi walba soo dhaafayay ilin isagoo markii danbe hab isiiyay iiguna jawaabay isagoo ooynaya

“Abaayo, bal fiiri maanta waxaan heystaa jaceylka duniga ugu qaalisan bulse cafimaad ma heysto”

“Aboowe waxwalbo weey dhacaan dulqaad iyo samir badan muuji”

Waxaan go’aan ku gaarnay inaan is guursano libaan familkooda ayuu u bandhigay weeyna ka aqbaleen. waxaan ana Abtigeey u sheegay inaan guursan rabo uuna war galiyo Hooyo iyo Aabe. Abti ayaa igu qeyliyay iiguna jawaabay. “Abti mafiyoowday, walalkaa ayaa imaanaya barnaamijki aad u timi nairobi ayuuna hirgalin rabaa”

“Maya abti maanan waalan ee jaceylkeyga dhulgaalo kuma badalan karo ”

Waxaa isoo wacay hooyo iyo aabe, balse aniga kama aanan laba labeen go’aanki aan horey uga gaaray Mustaqbalkeyga. Abtigeey oo aan gurigiisa joogay markuu arkay inaan madax adkeeyay igu yiri “Waa kuma wiilka Abti ?” “Abti waa Libaan wiilkaan isla soo safri jirnay” Abti magalada ayuu kasoo maqlay wiilka xanuunka haayo habeenki markuu guri yimi ayuu yiri “Abti wiilka inuu xanuunsan yahay iyo waliba cudurka haayo ma ogtahay?”

“haa abti waan ogahay inuu libaan Kansarka beerka qabo” abtii wuu yaabay gurigiisa ayuuna iska galay. Libaan waxaan maalin walbo ugu tagi jiray gurigooda anagoo intaan wado joogno wax naga maqnaa eeysan jirin farxad galabki ayaan gurigeena iska soo aadi jiray Farxada jaceyl ee uu libaan itusay maahan mid aan iloowi doono waligeey waalidkiisa waxeey go’aan ku gaareen bil kadib inaan is guursano aniga iyo libaan waxaan bilaabatay qaban qaabadi guurka. Maalin ayuu guriga iigu yimi Libaan isagoo faraxsan sheeko iyo kaftan ayaana iska galnay, wuxuu igu yiri “ Malaga yabaa inuu Illaah cudurkan iga qaado?” “ Haa Aboowe, illaah waxwalbo wuu awodaa”

Waxaan markasto oo aan tukado Illaah kabaryi jiray inuu gacaliyaheeyga ii daweeyo.

Waxaa Libaan Aabihiis uu soo maqlay inuu jiro wadaad tuulo Nairobi udhoow joogo daaweeyo cudurada kuna daweeyo dhirta. Waxaa libaan lagu war galiyay isbuuca soo sacda in loowadi doono wadaadkaas. Libaan cudurka haayay wuxuu ahaa mid aad iyo aad uga xanuun badan balse wuxuu aaminsanaa jiifka ineey u darantahay cudurka.

Waxaa ii yimi Libaan oo ordayo wuxuu ii sheegay wadaad inuu aadi doono isbuuca soo socdo anagoo sheekadii wadno ayaa salaadi casar la’aqimay Libaan wuxuu galay salaad.

Libaan wuxuu Illaah marwalbo kabaryi jiray cafimaad. Wuxuu waqtiga socdaba Waxaa lagaaray maalintii uu libaan bixi lahaa . Libaan wuxuu ii yimi goor fiid ah abaarihii 7:00 PM wuxuuna igu wargaliyay inuu birito bixidoono “ Abaayo birito waan baxayaa waxaana dareemi doonaa cidlo madamaama aan adiga kaa tagaayo” aniga waxaan dareemay farxad iyo naxdin dhinac waxaan iska tusay gacaliyaheyga oo Illaah idinkii isoo caafimaadi doono, dhanka kale Isagoo waxbo laga soo qaban waayo-taas oo Libaan ku keeni doonto niyad jab. Habeenki wuu i mac salameeyay isagoo kaftamayana igu yiri “ Hadaan baxo fakar iyo cunto kasoon hagalin aniga waan kusoo noqonaa haduu rabi idmo” gacanta ayuu iga shumiyay iguna yiri “Guurkeena waa Bil kadib Illaah waxaan ka baryaa inuu wiil iga kaa siiyo” aniga hadalka ayaa igu dhagay markaan arkay Libaan oo safar galaayo waxaana ku iri “Waan kuu xiiso doonaa”

Subaxdi danbe ayuu baxay Waxaan intuu sii maqnaa Illaah uga baryaayay inuu caafiyo gacaliyaheeyga.

4 sacadood kadib ayuu isoo wacay iina sheegay inuu gaaray goobtii wadaadka. 2 maalin kadib waxaa lasoo sheegay Libaan xaladiisa ineey kasoo dartay waxaan isdhahay aad meesha Libaan joogo balse aniga maanan garaneyn.

Habeenki ayuu isoo wacay isoo aad u xanuunsanaayo wuxuu igu yiri waan fiicanahay isagoo niyada ii dhisaayo balse runtaa waxeey eheed inuu aad u xanuun sanaayay “ Sacdiyo macaneey aad ayaan kuugu xiisay xagaaga inaan mardhow imaado ayaan rabaa”

“Aboowe aad ayaan kuugu xiisay naftigeeyga” Waxaan Libaan dareemay markuu ila hadlaayay ineey ilin kasocoto anigana waan is celin waayay.Habeenku ila hadlaayay subaxdeedi 9:00AM waxaa lasoos sheegay inuu dhintay Libaan. Markaan maqlay dhimashada gacaliyaheeyga sidaan dareemay Ilaah unbaa garanaayo runtii maahan mid aan kasii faleeyn karo.

Libaan iyo aniga waxaan eheen kuwo iskufahmay nolosha marnaba dhicin inuu qilaaf nasoo dhax galo.wax dhameeystiran lama wado helo sababtoo ah jaceylka libaan iyo aniga oo dhankasto ka siman ayaa iscalfan waayay. Waxaan Illaah uga baryayaa Libaan inuu janada kawaraabi Markaan dhintana uu illa kulansiiyo.

Bil kadib walaalkeey wuxuu kayimi Sweden si uu iiwado balse aniga go’aan waxaan ku gaaray inaan u laabto Kismaayo,Somalia waxaana ibadashay walasheey.

SACDIYO WAXEEY WAQTIGAN KUNOOSHAHAY MAGAALADA KISMAAYO MEEYSANA GUURSAN. WAXAAN HAYAA ADDRESS-KI LAGALA XIRIIRI LAHAA WAXEEYNA II SHEEKTAY NOLOSHEEDA DANBE HADEEY GUURSATO INEEY IIGA SOO FALEEYN DOONTO


W/Q Mahad A.Hassan
mahatabdi5@hotmail.com
qochaa@in.com


Afaaro on February 27 2009 10:26:25 · 17 Comments · 6245 Reads · Print
Comments
#1 | queen on March 05 2009 20:39:43
waa qiso runti aniga aad uga murugoodey waxan leyahy ilaahay ha unaxaristo sacdiyana koley waa qof iimaan leh alaahay ha u siyaadiyo imaankeeda mahadna waa ku mahadsanyahy qorista qisadaan cajiibkaah
#2 | Amal on March 29 2009 20:43:48
asc marka hore salaan ka dib waxan u mahad celinaya mahad oo qiisadan so qorey.Mahadnaqa ka dib walahi add ayan uga xumaday waliba ilin ayaa iga timid waxan ka calool xumaday sidey isku jeclayeen oo isku fahmeeb guurna ku balameen bil ka dib hadana is calfan wayay caku iyo aduun markasaan naaca sacdiyo liibaan meel fiican ayu aday ilahayna ha u naxariisto adigana samir haka siiyo amiin amiin amiin what a love walahi real love ba la dhaha kan an ku jirno waa hala sheego runtiSomalilandi.
#3 | dearabii on March 31 2009 12:23:24
waan ku salamay sxb yaal runtii waan xiiseynaya barnaamijkaani ee barasho wanaagsan
#4 | Mahad A.Hassan on April 02 2009 19:37:39
Dhamaantiin salaanta dunida ugu qaalisan baan hawada idiin soo mariyay.
waxaan ahay qoraaga waxaana aad ugu faraxsanahay fikradaha iyo dareenka aad ka muujiseen Sheekada. waxaana u mahadcelinayaa banaadir24.com oo dad weeynaha Somaliyeed gaarsiisay dhacdadan.
#5 | Lafoole on April 03 2009 21:47:55
Sheekada si hadii loo fiirsho waa qiso naxdin leh si kale hadii loo fiirshana waxad moodaa in nin Qayilay alifay sababtoo ah cudurkaan ku soo boodka ah kansarka noqday jaceylka baabuurka dhexdiisa inta u dhaxeysa kismaayo iyo nairobi lagu qaaday taas ayaa cajiib ah hadaba Qoraaga qoraalkaan qoray waxaan weeydiinaa Qisadaan dhab miyaa mid marqaan???
#6 | mss basma on April 13 2009 15:05:02
xaqiiqdii waa qiso murugo leh waana qiso qof walba ku reebaysa xasuus mrka waxaa loo baahan yahay inta aad aduunkaan ku nooshahay in aad samirto
samirkuna waa shey qaali ah
byeee
#7 | mm on April 27 2009 20:05:50
SomaliaShock
#8 | ibraahin on June 09 2009 13:19:47
asc marka hore waxaan u mahada celinaa mahad qoraaga sheekada marka kale waxaaan u mahad celinaa the queen of love waxaan leeyahay anaga jeceyl waan samayn karnaa laakiin calafka ma xakumi karno samir iyo imaan
liibaan makaa dhiman ee wuu ka dhuuntay he is in your heart nolol farxad leh ayaan kuu rajaynaa sis
#9 | Qalanjo on July 06 2009 23:19:13
Sacdiyo waan ku salaamayaa haday qisadan kugu dhacday runtii waa qiso murugo leh waana qayb ka mid ah wayaha aduunkan runtii waan ka murugooday qisadan kugu dhacday aduunkuna waa imtixaan waxaa loo bahan yahay dulqaad, marka walaalay ilaah samir ha kaa siiyo Ex gacaliyahaagii Liibaan alle ha unaxariisto adigana niyada adkayso dibna niyadaada u soo celi amarka eebana lagama boodo karo wayo waxaan u soo joogay qiso dhab ah oo taada u dhaw kana adag jacayl dhab ah oo hadana geeriyooday waxaan ku leeyahay walaashay sacdiyo Al sabrul Jamiil.
Mahadna waxaan leeyahay haday qisadan dhab tahay waan kaaga mahad celinayaa Dareenka dhabta ah ee aad ka muujisay dhibtii ku dhacday walaasheen Sacdiyo
runtii aad baan ugu murugooday markaan aqriyay Qisadan.
#10 | wehliye on July 20 2009 13:49:31
innaa lillaahi wa innaa illeehi rajicuun,xaqiiqdii waa arin naxdin leh,sacdiya samir iyo imaan allaha kasiiyo jaceel kaada waana iska xaal aduun aduunkaan mararka qaar lama helo sidaa jeceshahay, waa imtixaan marka iska samir walaashey libaana allaha u naxariisto, ehelkiisana masir iyo imaan allaha kasiiiyo Aamiiin Aamiin Aamiiiin::::::: QORE MASTER LaaaaaRISomalia
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Furitaanka waa la isku daartaa
General Discussions
19 0 Nana
31-07-2010 08:42
Khudrada ku dhis lafaha jir...
Women's issue
25 0 Nana
31-07-2010 08:39
Dhacdo: Hadii cunug cadaan ...
General Discussions
63 0 Nana
29-07-2010 19:47
Sheeko dhexmartay gabadh iy...
Women's issue
98 0 Nana
29-07-2010 19:41
TOP 20 MOST UNBELIEVABLE PH...
General Discussions
143 0 Nana
23-07-2010 13:44
Dumarka oo isu qurxiya si s...
Women's issue
452 0 Nana
19-07-2010 09:54
Shaki laga muujiyay cuntada...
Women's issue
213 0 Nana
19-07-2010 09:44
6 hab oo loo qurxiyo cagaha
Women's issue
221 0 Nana
19-07-2010 09:41
Maxaad ka ogtahay dhambaala...
General Discussions
198 0 Nana
19-07-2010 09:39
Raaxaysiga lamaanaha ee ugu...
Women's issue
569 0 Nana
19-07-2010 09:36
who needs a good dress?
Women's issue
93 0 Nana
19-07-2010 09:34
this summer fashion
Women's issue
122 0 Nana
19-07-2010 09:26
Sclub19.com - Somali Music
Music
18187 7 Afaaro
01-07-2010 11:37
walaal aqriso qisadaan ciji...
General Discussions
1473 0 Nana
24-06-2010 11:07
Who are al-Shabab?
General Discussions
522 0 Afaaro
15-06-2010 15:50
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats
Guests Online