Wargeyska The Observer ee British-ka ah ayaa baahiyay maqaal maalintii axadda ee lasoo dhaafay kaasi oo ay soo qoreen wariyeyaal u u shaqeeya kana soo warama New York laguna kala magacaabo Michael Day, Paul Harrison maqaalkaasi oo ay ku sheegeen in baaqyada isa soo taraya ee Wadanka Imaaraadka ka imaanaya uu dhalinayo dareen carro oo waliba caalami ah taasi oo caradeedu ay kortay kadib markii uu soo muuqday wiil la dhashay ninka leh Naadiga Manchester City ee wadankaasi Britain kana soo muuqday cajal Muuqaal ah isaga oo dadb ku gubaya nin Reer Afganistan ah isla markaana uu ku eedeynayo in uu sameeyay qiyaano heshiis ganacsi ah.
Ninka arrintani sameynaya ayaa ah Sheekh Ciisaa Bin Zaa’id Aala-nahyaan oo ah milkiilaha Naadiga England wargeyskuna waxa uu sheegayaa in Muuqaalka lagu soo bandhigay uu muujinaya sida ciqaabta ay u dhaceyso kana dhaceyso meel saxaro ah, wuxuuna dhaliyay wal walbaahsan oo ku aadan la dhaqanka reer Galbeedka ay la dhaqmayaan dowladaha Khaliijka ee shidaalka Hodanka ku ah.
Muuqaalkani ayaa laga soo qaaday halkii lagu duubay waxaana uu soconayaa muddo 45-daqiiqado ah kaasi oo uu kadhex muuqdo Sheekh Ciisaa Bin Zaayid oo ciqaabaya Ganacsade Reer Afgan ah oo uu ku eedeeyay qiyaano heshiis ganacsi ah kaasi oo uu ugu dambeyntii dab kaga gubay labadiisa Xaniinyood.
TV-ga ABC ayaa noqday Kanaalkii ugu horeeyay ee hela Muuqaalkani kadibna baafiya Todobaad kadib, waxaana sidoo kale wargeyska Arrintani soo qoray uu sheegayaa in muuqaallada cajaladda uu yahay mid argagax leh taasi oo lagama maarmaan ah in ay kiciso dareenka Caalamka maadaama ay ku lugleeyihiin qoyska reer Ciisaa halka kuwa badan oo kamid ah ay xiriiro wanaagsan la leeyihiin Shirkado, Jaamacado iyo Siyaasiyiin reer Galbeed ah haddii uusan soo saarin arrintani halka ay kasoo baxday iyo go’aanka ciqaabtooda ay kutimid.
Waxaa la ogsoon yahay in Sheekh Ciisaa uu yahay walaalka Sheekh Muxamed Bin Zaa’id oo ah dhaxal sugaha Abuu-dabi ahna kuxigeenka Hoggaanka guud ee Ciidamada Dowladda Imaaraadka, sidoo kalena waxa ay walaalo yihiin lakin aanan isku hooyo iyo isku aabe aheyn Sheekh Mansuur oo sanadkii lasoo dhaafay ku bixiyay 210 Ganiga Istarliinka loo yaqaano si uu u iibsado %90 kooxda Manchester City isaga oo ku raaxeysanaya kaalin siyaasadeed ballaaran heystana wasaarado kamid ah Xukuumadda Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale wasaarado madaxeed kale.
Cajaladani ayaa loo maleynayaa in ay kudhigeysa fool xumo weyn marka loo eego arrimaha Bani’aadannimada ee kajira wadanka Imaaraadka Carabta oo muddo dheer sheeganeysay in ay saaxiibo weyn la tahay dowladaha reer galbeedka ayna saaxiibo kuyihiin Arrimaha Ganacsiga iyo wax soo saarka.
Xildhibaan kani kamidka ah Congress-ka mareykanka ee James Mcguirn
Lagu magacaabo Ayaa ku baaqay in la adkeeyo kaalmada dowladda Imaaraadka lasiiyo isaga oo sidoo kale codsaday in Sheekh Ciisaa loo diido Visaha wadanka Mareykanka uu kusoo galo isaga oo hadalkanina kusheegay warqad uu u diray wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka isaga oo yiri “ma awoodi in aad tilmaamo istustuskani dareenkeyga kiciyay, waan daawaday muuqaalkani lakin iima suuragelin in aan sii daawashadiisa sii dhameysto”.
Waxa arrintani sida gaarka u kicinaya ayaa ah xilliga lasawirayo oo lagu arkayo muuqaalka nin askari ah oo ku caawinaya qabashada ninkani lasoo eedeeyay oo lagu qabanayo meel saxafo ah, waxaana ugu horeyn isaga oo fadhiya ninkani oo la aaminsan yahay in sanadkii 2005-ta falkani lagu sameeyay uu Sheekh Ciisaa afka uga buuxinayaa ninka uu qiyaannada ku heysto ciid kuna ridayo rasaaas inkastoo ninka la ciqaabayo uu qeylinayo hadana afka oo ciidda looga buuxiyay ayaanan u suuragelineynin in la maqlo qeyladiisa.
Inta hawsha ciqaabta uu wdao Sheekh Ciisaa waxa uu ku amrayaa ninka Muuqaalka duubaya in uu kusoo dhawaado si loo arko wejigiisa oo uu u soo muuqdo calaamadaha waxa uu ku cabanayo.
Sheekh Ciisaa ayaa markaasi kadib adeegsanaya geed yar oo Masaabiir ay ka taagan yihiin kaasi oo uu ku garaacayo kadibna cusbo uu ugu shubayo halka uu ka dhaawacmo ee dhiga uu kasoconayo isaga oo sidoo kale futa ka gelinayay gees lo’aad koronto kushaqeynaya kadibna dab ku holcinaya raayaha ninka uu ciqaabayo, waxaana ugu dambeyntii uu ku daboolayaa ciid fara badan kadibna halkaasi waxaa soo maraya gawaari maqlayana ugu dambeyn lafaha ninkani oo jajabaya.
Ninkani sidani loo galay ayaa ah nin u dhashay wadanka Afganistan kana ganacsan jiray galleey waxaana lagu magacaabay Maxamed Shaah Buur waxaana la ogaaday in ninkaasi uu sii noolaa ciqaabtaasi kadib lakin Xukuumadda Imaaraadka ayaa si toos ah u diiday in ay wax dabagal ah ku sameyso arrintaasi Sheekh Ciisaa uu ku kacay inkastoo markii dambe lasheegay in labadooda si saaxiibtinimo ay u xalisanayaan barnaamijkooda oo aanu jirineynin wax cadaalad ah oo lahorkeenayo.
Sheekh Ciisaa waxa uu leeyahay wiil kale oo isaga la dhashay oo ah wasiir arrimo gudeed inkastoo arrintaasi uu lafuliyay mid kamid ah Ciidamada Booliska, waxaana bayaanka xukuumadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay dhinac waliba si buuxda ay baritaan iyo dabagal ugu sameysay.
Waxaa ku guuleystay in Cajaladda Muuqaalka uu wadanka Imaaraadka kasoo dhoofiyo Bassam al-Nabulsi oo ah muwaadin mareykan isla markaasina ka shaqeynayay Houston wuxuuna shirko kula ahaa Sheekh Ciisaa arrimihiisa ganacsiga wuxuuna ku andacooday al-Nabulsi in laftirkiisa uu lakulmay ciqaabtaa oo kale gudaha Imaaraadka Carabta kadib markii uu diiday in cajaladaasi uu wareejiyo kadib markii ay bur burtay xiriirkii ka dhaxeeyay isaga iyo Sheekh Ciisaa.
Wuxuu sheegay in Sheekh Ciisaa uu amar kubixiyay in labo walaalo ah ay al-Nabulsi ka duubaan sawir marka la ciqaabayo si uu u daawado waqti dambe, waxaana al-Nabulsi uu qadiyaddaasi iminka hor dhigay Maxkamad kutaalla wadanka Mareykanka.
Qisada ayaanan ku ekeyn halkani maxaa yeelay ninka al-Nabulsi la yiraahdo oo safaaradda Mareykanka katirsanaa ayaa ka doorbiday noloshiisa in uu geeriyooda ama xabsi uu kujirnaado inkastoo xittaa waqtigaasi Mareykanka lasoo gaarsiiyay arrintaasi laguna amray in cajaladda uu wareejiyo lakin uu ka dhega adeegay xittaa uu ka dhega adeegay in uu war ka maqlo mas’uulka ugu sareeya ee gudaha Imaaraadka ku tababara Ciidamada Dowladdaasi.
Xildhibaan Mcguirn ayaa ugu baaqay wasiiradda arrimaha dibadda ee Mareykanka in arrintani dhankooda laga soo hubiyo iyo sidoo kale in la hubiyo xilligaasi cidda mareykanka kusoo wargeliyay cajaladda in ninkani Mareykanka ah uu soo wareejiyo oo maxay u baari waayeen? haddii aysan baaritaankaasi sameyninna maxaa dhacay? Wuxuuna ugu baaqay mas’uuliyiinta Mareykanka dhammaantooda gaar ahaan kuwa waxgalka ah in ay daawadaan Filimkani muuqaalka ah dhammaantiisa haddii damiirkooda uu qaadan karo.