Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos9561
Banadir-city.com7191
Banadir24.com6107
Bclub19.com7436
Dayniile.com7586
Hamarey.com9880
Jowhar.com6976
Laasqoray.org1450
Markacadey.net10722
Somali Music9503
Somali411.com7528
Somalifans.net6710
Somvid.com6634
Webld.net4626
Users Online
Guests Online: 19

Members Online: 0

Total Members: 770
Newest Member: Sharmarke






Halgankii Xornimada Dalka iyo Kaallintii Culumaa'udiinka Soomaaliyeed
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Taariikhda soo yaalka ah ee Dalka Soomaaliya ayaa marnaba aysan ka dahsoonayn kaallintii ay Culumaa'udiinka Dalka Soomaaliya ay ka soo qaateen Xornimadii Dalka iyadoo laga dareemi karo Shucuur Diin, Dhaqan iyo Dal jacayl Dhab ah , waxaad ka garan kartaa sida uu Gumaystuhu ugu kala jejebiyay Dalka Soomaaliya Shanta Qaybood inay ahaayeen kuwa Gumaystaha baday Jab iyo Halaag uusan ka soo Waaqsan oo uu weligii ka sheekeeyo sida aad ka akhrisaan Buugaagta Maktabadaha Dunida ugu Caansan ee ku yaalla Waddamada reer Galbeedka gaar ahaan Carriga British-ka ee Magaalada London Library oo aad ka heli karto Taariikhahaasi oo kooban .

Waxaan marna la Illoobi karrin Culumaa'udiinkii Soomaaliyeed sida Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Axmed Gurey, Sheekh Bashiir, Sheekh Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Sheekh Aweys Dheere, Sheekh Cali Majeerteeniya, Sheekh Xasan Barsame, Sheekh Cali Suufi, Sheekh Maxamed Macallin , Sheekh Shariif Sharafow halgankii ay u soo galeen Xonimada Dalka iyo Fidinta Diinta wuxuuna qof waliba uu Markhaati ka yahay inay ahaayeen Culumaa'udiin Sumcad iyo Sharaf ku leh Shacabka Soomaaliyeed marka laga hadlayo arimaha Diinta iyo Xornimada Dalka taasina ay ku muteen in mar walba Tusaale loogu soo qaato Wanaaga iyo horumarka ay Ummadooda u horseedeen.

Haddaba waxaa is weydiin mudan xaalladani Cakirain maxay tahay? Dad Xukun raadinaya oo aan Diin Shaqo ku lahayn ayaa Shacabkii galaaftay oo Dhallinyaradii Jaamacadaha ka Khalin jebinayey ee 20 Sanadood Waddan burbusanaa Jaamacad kaga baxay maallintay Calfan lahaayeen ku Xasuuqay "Hoteel Shaamow" tani Xagee bay Diinta kaga qoran tahay Wiil yar oo Xaalad Dagaal iyo Gumaysi Waxbarasho ku dhex watay ma mid lagu Abaalmariyaa Xasuuq Xagee Kitaabka Alle kaga qoran tahay. Soomaaliyeey haddii aadan u arkayn inaysan Xukun Doon yihiin Kooxaha weli Dagaalamaya tani ha idiin ahaato Markhaati mid la duugi karana ma aha Taariikhda ayey gelaysaa, Xukunka ay doonayaan ma yahay miday Calfan doonaan ?runtii ma aha mid ay Calfan doonaan laakiin inay Waddanka Gumaysi kusoo Hoggaamin doonaa ayaa cad.

Ducaadda Soomaaliyeed ayaa waxay mudan yihiin in lagu ammaanno Dadaalka ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed ama ha joogeen Qurbaha ama Dalka gudihiisa sida ay ugu dadaalayaan inay Badbaadiyaan Qoysaska Soomaaliyeed ee ku sugan Xaaladahan adag ee uu Dalku ku sugan yahay iyo Xaaladaha Qurbaha Barashada iyo fahamka Diinta iyo Dhaqanka suuban ee aan lahayn dhaliilaha una Diyaariya Dhallinta Soomaaliyeed Marka ay Dugsiyada Xiran yihiin Dhaqan Celin iyo Barashada Aadaabta taasina ay
tahay mid loo baahan yahay in lagu Badbaadiyo Dhammaan Shacaka Soomaaliyeed oo ka kooban Carruur, Dumar , Waayeel, iyo Dhallinyaro wax barata Dugsiyada .

Waxqabadkii Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya

Waxaa Xusid mudan Midowgii Maxaakiimta Islaamka iyo wax qabadkii wanaagsanaa ee ay ka fulliyeen Koofurta Dalka Soomaaliya iyo Gobolada Dhexe ee Dalka Mudadii ay Xukunka Koofurta Dalka gacanta ku hayeen Kacdoonku wuxuu ku salaysnaa Diin oo wuxuu noqday mid lagu guulaystay sidii Sahlanayd ee ay uga Takhaluseen Dhammaan Qabqablayaashii Dalka gacanta ku hayey in ka badan 17- Sanadood iyo in ka badan Shacabka baday Silac iyo Gaajo aan dhammaad lahayn iyo Xasuuq Maati.

Guuldaradii Midowga Maxaakiimta Islaamka ee Dalka Soomaaliya

Kaddib markii ay Midowga Maxaakiimtu go'aansadeen inay Weeraraan Magaalada Baydhabo oo markaa ahayd Xaruntii Madaxtooyada ee DFKMG ee Soomaaliya ayaa Dowladdu waxay bilowday inay wada tashi la bilowday Hoggaankii Sare ee Maxaakiimta Islaamka inay ku wada hadlaan Dalka Dibadiisa ,laakiin nasiib darro ma aysan Dhicin in la isku af garto Maxaakiimtuna waxay moodayeen inay Awoodda yeelan doonaan mana u muuqan inay Dowladdu haysato Saaxiib ama Huwan , waxaannu ognahay inay Maxaakiimtu Diideen Ra'iga Aqoonyahano fara badan oo Soomaali ah halkaana ay Jab kala kulmeen uuna Firxad weyni ku dhacay Illaa iyo haddana ay weli yihiin kuwa la Mid ah oo wada Dagaal Diidana inay DFKMG la Heshiiyaan waxaanna Hubaal ah inay yihiin Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda kuwa inay Jabaan Diyaar u ah Ummadana Gumaysi u soo Hoggaamiyaan.

Gunaanadkii iyo Qoraalkani Soomaaliya waxay ku sugan tahay Xaalad aad u adag Culumaa'udiinka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mar walba Ummadda ugu baaqa nabadda kana mid ahaa Hoggaankii Sare ee Maxaakiimta Islaamka iyo Ururkii Dib u Xoraynta Dalka haddii ay ku waana qaadanayaan kuwa weli Dagaalamaya. Mudane Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Dagaal waxba kuma helin ee Dib u Heshiisiin iyo Doorasho ayuu wax ku helay Dagaalkii wuxuu ka faa'iiday isagaa u Markhaati ah Cid kale in la weydiiyo uma Baahna, "Soomaaliyeey Dagaal Wiil kuma Dhasho ee Wiil baa ku Dhinta "Dagaalka joojiya ee isu Tanaasula oo nabadda qaata si ay u Badbaadaan kuwa Qaxaya Tahriibaya,kuwa Qaxootiga ku ah Xeryaha Dalka gudahiisa iyo Dibadaha, kuwa Xabsiyada lagu gurayo oo aan Maxkamadna lahayn, kuwa la Qarxinayo iyagoo la maangaday , kuwa Tatxiilka lagu Keenayo iyagoo Qaawan, kuwa Badaha Dushooda lagu Dilayo iyagoo Burcad ah, kuwa Qoysaskoodii ku firxanayaan Qurbaha , Dib isu eega ee Xabadi Xal ma noqotee Xal la Imaada Kitaabka Alle waa Xalka ugu Wanaagsan oo aan Xabbad la Socon.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com





The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of Banadir24 online
Posted by Redwan on January 02 2010 16:50:27 · 0 Comments · 413 Reads · Print
Comments
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Qiso Layaab Leh oo dhex mar...
General Discussions
49 0 Nana
10-03-2010 11:45
Girl Makes Herself a Birthd...
Women's issue
305 0 Nana
28-02-2010 18:46
Sclub19.com - Somali Music
Music
12462 6 Afaaro
20-02-2010 09:37
La dabaalo caashaqa
Lyrics
648 0 Afaaro
20-02-2010 09:35
Ladan- Lafoole
Lyrics
449 0 Afaaro
20-02-2010 09:33
Libta - Lafoole
Lyrics
355 0 Afaaro
20-02-2010 09:30
Liibaan- Lafoole
Lyrics
334 0 Afaaro
20-02-2010 09:27
Ma is aroosnaa - Fuad Cumar
Lyrics
2103 0 Nana
27-01-2010 07:48
Mudantii Haweenkaay - Maxam...
Lyrics
1870 0 Nana
27-01-2010 07:45
Naftan- Shamsa Cumar
Lyrics
1082 0 Nana
27-01-2010 07:30
Naruuradee jacaylke- Lafoole
Lyrics
1284 0 Nana
27-01-2010 07:29
Onkod- Cabdi Tahliil
Lyrics
1052 0 Nana
27-01-2010 07:29
Qamar - Cabdi Nasir Macalin
Lyrics
1450 0 Nana
27-01-2010 07:28
Qamar- Beerdilaacshe & Magool
Lyrics
1058 0 Nana
27-01-2010 07:27
Qareenlaay- Lafoole
Lyrics
904 0 Nana
27-01-2010 07:26
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats