Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku heysa gobolka Gedo oo sheegtay in ay la dagaalameyso Ciidamo uga soo duulaya dhinaca Dooloow
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta si cad u sheegtay in ay la dagaalameyso Ciidamo ay sheegeen in ay khatar ku yihiin Gobolkaasi oo kaga soo fool leh dhinaca Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Beryahan dambeba waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay Ciidamada Dowlada KMG ah ee ku sugan Degmada Doolow ay duullaan ku soo yihiin Degmooyinka kale ee Gobolka Gedo.
Afhayeen u hadlay Kooxda Doolow oo todobaadkan dhexdiisa warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay kusoo duullaan yihiin goboladaasi isla markaana ay la dagaalayaan waxa uu ku tilmaamay Nabad-diidka oo ku sugan Gobolkaasi.
Hal todobaad ka hor ayay ahayd markii hub fara badan la siiyay Ciidamada ku sugan Degmada Doolow, hubkaasi oo intiisa badan laga keenay dhinaca Wadanka Itoobiya.
Hadalkaan ka soo yeeray Maamulka Alshabaab ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa daba socda hadallo ka soo baxayay Ciidamada ku sugan Degmada Doolow kuwaasi oo ku celceliyay in ay weerar culus ku soo qaadayaan Gobolkaasi iyo Gobollada Jubbooyinka kuwaasi oo markii hore looga saaray Dagaal dhexmaray ayaga iyo Ururka Islaamiga ah ee Alshabaab.
Waxaana maalmihii ugu dambeeyay ay dadka ku dhaqan Gobolka Gedo welwel ka muujiyeen Dagaal ka dhaca Gobolkaasi iminka oo ay jiraan Xaalado abaareed oo aad u qalafsan oo dad iyo duunyaba waxyeello u geystay.
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|