Muqdisho:Xoogaga Al-Shabaab oo bilaabay hawlgalo ay ku gubayaan raashinka dhacay ee ku xareysan bakhaarada S/Bakaaraha
Xoogaga Al-Shabaab ayaa ka bilaabay S/Bakaaraha hawlgalo lagu gubayo raashin ay sheegeen in uu dhacay ama waqtgiisi uu dhamaaday tayo ahaana liita.
Hawgalkaan oo ay kooxda Shabaab u xilsaartay hay'ad ay ugu magac dareen Al-Xisba ayaa waxaa si weyn ay hawshaa uga wadaan maanta iyo shalay bakhaarada waaweyn ee gudaha suuqa ku yaala .
Afhayeenka kooxda Al-Shabaab sh.Cali Raage ayaa sheegay in raashinkii loo arko in aanu u cuntamin shacabka la gubvi doono meel fagaare ah , waxaana uu sheegay in hawshaas ayu bialw tahay ayna rajeynayaan in meel fiican ay gaarto.
ku dhawaad 5-Bakhaar oo ah kuwa ugu waaweyn S/Bakaaraha ayaa la sheegay in laga soo saaray raashin dhacay laguna gubay meel fagaare ah.
Hawlgalkaan ayaa ah mid cusub mana jiro wali wax war ah oo ka soo baxay gnacsatada S/Bakaaraha oo hawlgalkan ku aadan.
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|