Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos9596
Banadir-city.com7209
Banadir24.com6136
Bclub19.com7455
Dayniile.com7627
Hamarey.com9903
Jowhar.com7000
Laasqoray.org1459
Markacadey.net10752
Somali Music9533
Somali411.com7545
Somalifans.net6724
Somvid.com6644
Webld.net4630
Users Online
Guests Online: 15

Members Online: 0

Total Members: 770
Newest Member: Sharmarke






Shabaab oo sheegay in uu ku soo biirey Sarkaal ka soo baxsaday dowlada KMG Soomaaliya.
Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere ayaa duhurnimadii maanta xaruntii guulwadayaasha ugu soo bandhigay nin uu sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan dowladda soomaaliya iyo qoryaha Ak-47 oo gaarayay ilaa kontameeyo, kuwaasoo aanay cidina ku hubeysneyn.

Cali Dheere ayaa ku beer laxawsaday in hubkaas ay ciidamo kala soo goosteen dowladda, hase ahaatee goobta uguma soo bandhigin hal ciidan, waxaase dhinaciisa fadhiyay sarkaal sheegtay inuu dowladda ka soo goostay.

"Ninkaan aad u jeedaan wuxuu ka tirsanaa qolada ridada, run ahaantii wuxuu gartay wadadii qaldaneyd ee uu ku jiray, Alle waa uu u towbad keenay"ayuu yiri Cali Dheere oo ugu baaqay ciidamada dowladda in ay ka soo baxaan safka cadawga.

Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in ay nabadgelin doono ciidamo kasta oo ka soo goosta dowladda ee ku soo biira safka mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan ayaa saxaafada la hadlay, isagoo sheegay in lagu magacaabo Baashi Axmed, waxaana uu tibaaxay inuu ahaa sarkaalka ugu sareeya ciidamada dowladda ee ku sugnaa Warshadii hore ee Nac naca.

Mar la weydiiyay sababaha uu uga soo fakaday dowladda ayuu sheegay inuu ku qanci waayay arrimo badan, isagoo si gaar ah u xusay shareecada islaamka oo uu tilmaamay in aanay dhab ka aheyn dowladda.

Dhinacyada isaga soo horjeeda dalka ayaa mudooyinkii u dambeeyay dagaal dhanka warbaahinta ku jiray, taasoo noqotay mid dowladda ay si aad ah dhaawacyo ugu geysato kooxaha mucaaradka, hase ahaatee tallaabada maanta ayaa la dhihi mid ay shabaabka ku xoojinayaan barobagandadooda.


Safiir on February 08 2010 12:53:51 · 0 Comments · 122 Reads · Print
Comments
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Qiso Layaab Leh oo dhex mar...
General Discussions
110 0 Nana
10-03-2010 11:45
Girl Makes Herself a Birthd...
Women's issue
342 0 Nana
28-02-2010 18:46
Sclub19.com - Somali Music
Music
12512 6 Afaaro
20-02-2010 09:37
La dabaalo caashaqa
Lyrics
695 0 Afaaro
20-02-2010 09:35
Ladan- Lafoole
Lyrics
466 0 Afaaro
20-02-2010 09:33
Libta - Lafoole
Lyrics
383 0 Afaaro
20-02-2010 09:30
Liibaan- Lafoole
Lyrics
346 0 Afaaro
20-02-2010 09:27
Ma is aroosnaa - Fuad Cumar
Lyrics
2131 0 Nana
27-01-2010 07:48
Mudantii Haweenkaay - Maxam...
Lyrics
1898 0 Nana
27-01-2010 07:45
Naftan- Shamsa Cumar
Lyrics
1116 0 Nana
27-01-2010 07:30
Naruuradee jacaylke- Lafoole
Lyrics
1315 0 Nana
27-01-2010 07:29
Onkod- Cabdi Tahliil
Lyrics
1093 0 Nana
27-01-2010 07:29
Qamar - Cabdi Nasir Macalin
Lyrics
1477 0 Nana
27-01-2010 07:28
Qamar- Beerdilaacshe & Magool
Lyrics
1111 0 Nana
27-01-2010 07:27
Qareenlaay- Lafoole
Lyrics
927 0 Nana
27-01-2010 07:26
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats