Madaxweyne Shariif oo khudbad xasaasi u jeediyay Jaaliyada Soomaalida ku nool Magaalada London
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo xalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada dalka uu marayo.
Madaxweyne Shariif ayaa ugu baaqay dadka qurbaha ku nool in ay gacan ka geysteen sidii dalka loo samata bixi lahaa, isla markaana ay gar gaari lahaayeen dadka tabaaleysan.
Waxaa uu sheegay Jaaliyada Soomaalida looga baahan yahay in ay Nabada Soomaaliya ka qeyb qaataan, isagoo xusay in ay jiri karaan dad ku jira Jaaliyada oo fidno wada.
"Sidaad la socotaan hadii aadan gacan ka geysanin xaalada dalka uu jiro waa ay sii xoogeysaneysaa, waxaan nala haboon inaan u midowno"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay dadka ku qaldayaan afkaar diin.
Madaxweynaha ayaa xusay in dadka ka soo horjeeda dowladdiisa ay marin habaabinayaan dadka dhalinyarada, isla markaana qaab qaldan ay wax ugu sheegayaan oo aan diinta Islaamka waafaqsaneyn.
"Dadka hada dilka iyo dhibaatada ka wada waan ka xumahay inaan dhaho qeyb ka mid ah waan isla soo shaqeynayay, qaarkood xilligii Maxaakimta guryahooda ayaa ugu tagay"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay isku afgarteen in dib loo furo Safaaradii Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in Safaaradaha dibada la xirayo.
Dadkii dhageysanayay ayaa si aad u soo dhoweeyay hadalkaas, waxaana qaarkood oo wajiyadooda ka muuqatay xamaasad aad u soo jiitay Khudbada Madaxweyne Shariif uu u jeediyay.
Madaxweynaha ayaa berri u baqoolaya Magaalada labaad ee Ingiriiska ee Birmingham, halkaasoo uu kula hadli doono soomaalida ku dhaqan
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|