Afhayeenka Xarakada Alshabaab Cali Dheere ayaa guulo ka sheegtay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, isagoo ku faanay in Taangi ka mid ah kuwa AMISOM ay ku gubeen dagaalada Waqooyiga MUqdisho ka socda.
Cali Dheere ayaa ku booteeyay in Gaariga Taangiga ay la heleen waxyaabo qarxa oo ay u diyaariyeen Guutada qaraxyada, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Taangi kale uu god uga dhacay, kadibna ay jiiteen.
"Ilaah baa ku mahadsan mujaahidiinta waxyaabo qarxa oo ay horumarinayeen ayay ku qarxiyeen Taangiga ay leeyihiin Cadawga Saliibiga, Taangi kalena god ayuu uga dhacay"ayuu yiri Cali Dheere.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dagaalka uu wali socda, isla markaana dhinacooda wali ku sugan yihiin goobihii shalay ka qabsadeen, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM dagaalka soo geliyeen ilaa 20-taangi sida uu hadalka u dhigay.
Cali Dheere ayaa sheegay in Dowladda KMG ay ku fashilantay qorshaha dagaalka ay ka lahaayeen, waxaana uu cadeeyay in weeraro badan oo rogaal celis oo ay soo qaadeen ay dib ugu caabiyeen.
Dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaan wali kooxna dhinac ugu harin, waxaana ay u muuqdaan kuwo ijiid aan ku jiidee, iyadoo qasaaraha xanuunka badan uu shacbiga ka soo gaarayo.
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|