Maamulka Gobolka Banaadir oo shacabka Muqdisho u jeediyay in ay ka baxaan magaalada
Maamulka gobolka Banaadir ayaa fariin xambaarsan dhiilo u diray shacabka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha mucaaradka ku sugan yihiin, kadib markii uu bilowday duulaankii ay dowladda qorsheyneysay in ay ku qaadeyso qolyaha mucaaradka.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed (Eng. Nuune) ayaa ugu baaqay dadka Muqdisho in ilaa 2Km ka fogaadaan goobaha lagu soo wajahan yahay, isagoo tilmaamay in howl galka dowladda uu yahay mid bilow ah.
"Waxaan uga digeynaa shacabka in goobaha la soo haayo ay ka fogaadaan ugu yaraan 2Km, waana ugu naseexeyneynaa, waa inay baneeyaan meelaha la duqeynayo si aan qasaare u soo gaarin"ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa xusay in dowladda hoose ay u diyaarisay dadka shacabka qorshe ay ugu gurmanayaan, isla markaana ay ugu gaarsiinayaan daawooyin iyo biyo sida uu yiri.
"Waxaan ku kalsoonaha xooga dowladda, dhowaana nabad diidka waa laga xoreyn doonaa meelaha ay joogaan, caasimada iyo dalkaba"ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Nuune.
Eng. Nuune ayaa tilmaamay in aanu wali bilaabin howl galka dowladda, hase ahaatee dagaaladii labadii maalmood uu ahaa daan daansi kooxaha mucaaradka weeraro ugu soo qaadeen, isla markaana ay ka jawaab celiyeen sida uu yiri.
Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa ku soo aadaya xilli 48-kii saac ee u dambeeyay dagaalo lagu hoobtay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, kaasoo dad ka badan 50-ruux ku dhinteen halka 100 kalena ay ku dhaawacmeen
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|