Username Password | Register | Lost password
Navigation
Radio
Click on a category to chose your favorite kind of radio

  • BBC Somali 04:00
  • BBC Somali 11:00
  • BBC Somali 14:00
  • BBC Somali 18:00
  • VOA 04:00 PM
  • VOA 07:00 PM
  • VOA 08:00 PM









Random media
Somali Links
African Videos14703
Banadir-city.com11814
Banadir24.com10868
Bclub19.com12033
Dayniile.com14596
Hamarey.com16935
Jowhar.com14053
Laasqoray.org7768
Markacadey.net16840
Somali Music14545
Somali411.com14076
Somalifans.net14466
Somalinote.com616
Somvid.com13303
Webld.net10722
Users Online
Guests Online: 14

Members Online: 0

Total Members: 909
Newest Member: Abubakar10






Madaxweyne Shariif oo xalay hadal u jeediyay Jaaliyada Soomaalida Birmingham
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa xalay kulan balaaran la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham ee dalkaasi Britain.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa kulamo gooni gooni ah la qatay Culumada Soomaaliyeed, Ardayda, Dhaqanka iyo waalidiinta ku nool magaaladaasi, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda dalka iyo dowrka ay ku leeyihiin Jaaliyaduhu xallinta mashaakilka ka taagan waddanka, ayagoo si weyn kulankaas ugu taageeray hannaanka nabadda ee Dowladdu ay hoggaanka u hayso.

Wasiirka jaaliyadaha ee dowladda Soomaaliya C/laahi Axmed C/lle Azhari oo ka war bixiyay kulankaas, ayaa sheegay in bulshadu ay qeyb qeyb ula kulmeen wafdiga madaxweynaha, ayagoo u bandhigay madaxweynaha caqabadaha ku haysta qurbaha iyo talooyin kale oo ku wajahan dalka Soomaaliya.

Kulamadaasi ka dib madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Sh. Shariif Sh Axmed ayaa khudbad qiimo badan u jeediyay kumanaan ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham, taas oo uu uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalku ku jiro, iyo wax yaabaha la gudboon Dowladda iyo soomaalida si looga baxo dhibaatada ka jirta dalkeena.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday arrinta ku saabsan u midoobidda xallinta khilaafka ka taagan Soomaaliya iyo guulaha ugubka ah ee dowladda Soomaaliya ay u soo hoysay dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dowladddu muddadii ay jirtay ay la kulantay caqabado fara badan, haddana ay qabatay howl adag marka la fiiriyo guulaha ay ka soo heysay siyaasadda caalamka iyo tallaabooyinka dib-u-hishiisiinta ku salaysan ee ay dalka ka hergilisay, walina ay waddo.

Madaxweyne Shariif waxaa kale oo uu khudbadiisa uga hadlay xaaladda ammaanka ee dalka, isagoo tilmaamay in la joogo waqtigii ay Soomaalidu ka nasan lahayd kooxaha magaca diimeed ku baneysatay dhiigooda, dowladduna ay qorshe cad ka qaadan doonto arrintaas dhawaan, wuxuu sheegay in hadafka koowaad ee dowladda uu yahay in maleeshiyaadka ajaanibta iyo sokeeyaha isugu jira ee dalka dhibaatda ka wada, si dalku uusan u noqon mid fashilmay am ahoy u noqda argagixiso.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay madaxweynuhu sugida ammaanka dalka, isagoo sheegay in Dowladdu ay diyaarisay ciidamo ku filan soo celinta nabadda dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha dibadda ku dhaqan ugu baaqay in ay dowrkooda ka qaataan gulufka loogu jiro dowladnimada iyo la dagaalanka kooxaha cadowga u soo kiraystay burburinta dalka Soomaaliya.


Daadir on March 12 2010 10:50:53 · 0 Comments · 216 Reads · Print
Comments
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
Post Comment
Name: (Magac)

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Latest Active Forum Threads
  Thread Views Replies Last Post
Furitaanka waa la isku daartaa
General Discussions
19 0 Nana
31-07-2010 08:42
Khudrada ku dhis lafaha jir...
Women's issue
26 0 Nana
31-07-2010 08:39
Dhacdo: Hadii cunug cadaan ...
General Discussions
63 0 Nana
29-07-2010 19:47
Sheeko dhexmartay gabadh iy...
Women's issue
98 0 Nana
29-07-2010 19:41
TOP 20 MOST UNBELIEVABLE PH...
General Discussions
143 0 Nana
23-07-2010 13:44
Dumarka oo isu qurxiya si s...
Women's issue
452 0 Nana
19-07-2010 09:54
Shaki laga muujiyay cuntada...
Women's issue
213 0 Nana
19-07-2010 09:44
6 hab oo loo qurxiyo cagaha
Women's issue
221 0 Nana
19-07-2010 09:41
Maxaad ka ogtahay dhambaala...
General Discussions
198 0 Nana
19-07-2010 09:39
Raaxaysiga lamaanaha ee ugu...
Women's issue
569 0 Nana
19-07-2010 09:36
who needs a good dress?
Women's issue
93 0 Nana
19-07-2010 09:34
this summer fashion
Women's issue
122 0 Nana
19-07-2010 09:26
Sclub19.com - Somali Music
Music
18187 7 Afaaro
01-07-2010 11:37
walaal aqriso qisadaan ciji...
General Discussions
1473 0 Nana
24-06-2010 11:07
Who are al-Shabab?
General Discussions
522 0 Afaaro
15-06-2010 15:50
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.














Random Photo






visitor stats
Guests Online