Duqeymo xoogan oo maalintii saddexaad loo geysanayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Duqeymo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanlinti sadaxaad ka dhacay magaalada Muqdisho xilli dadka ay ka barakacaan saakay deegaanada Waqooyiga Magaalada.
Duqeymaha saakay ka dhacay Muqdisho ayaa ka danbeeyey kadib markii dagaal aan sidaasi u badneyn uu ka dhacay jidka xaafada Xararyaale ee aada madaxtooyada halkaas oo ay Islaamiyiinta rasaas ka tuureen.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa markaasi kadib bilaabay madaafiic aan kala go,laheyn iyaga oo duqeeyey xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan,H/wadaag iyo Wardhiigleey.
Goobaha la duqeeyey oo ay ugu dareyd Suuqa Bakaaraha waxaa lasoo sheegayaa in ay ka jiraan qasaaro iyadoo ilaa iyo iminka la hubo dhaawaca 3 ruux.
Warar kale ayaa jira oo sheegaya in ay jiraan qasaare aan yareyn hase yeeshee wali ma helin warbaahinta xogta dhabta ah ee ku saabsan qasaaraha duqeymaha ka dhacay Muqdisho.
|
No Comments have been Posted. - Wax Faalo ah ma Dirin.
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|